Cuntooyinka ugu wanaagsan ee timaha waxay kaa caawiyaan hagaajinta caafimaadka timaha iyo koritaanka. Halkan waxaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah cuntooyinka ugu fiican ee timaha:
Kalluunka (Sida salmon, iyo Tuna): Kalluunka ayaa hodan ku ah omega-3 fatty acids, kuwaas oo kor u qaada caafimaadka timaha iyo jilcinta maqaarka kana dhigna mid aaan qalalayn.
Beedka/ Ukunta: Ukunta waxaa ku jirta oo laga helaa booratiinka biotin, oo muhiim u ah timaha caafimaadka qaba, waxayna gacan ka geysataa koritaanka timaha iyo ka hortagga daadashada timaha.
Spinachka: Spinach ama caleenta cagaaran ayaa ah il qani ku ah kana buuxaan maadada birta, folate, iyo vitamin A, kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka timaha.
Baradhada Macaan: (Sweet potatoes): Waxaa ku jirta beta-carotene, taas oo jidhka oo beerku u bedelo faytamin A, kaas oo ka caawisa qofka hagaajinta iyo koritaanka timaha.
Lawska (nuts): Noocyada lawska sida almonds, walnuts, iyo cashews ayaa hodan ku ah macdanta zinc, faytamin E, iyo fatty acids, kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka timaha guud ahaan.
Afakado (Avocado): Afakadada waxaa laga helaa fatyamiinada sida faytamin E iyo C, kuwaas oo sare u qaadada koritaanka timaha waxayna ka caawiyaan qofka inay noqdaan kuwo dhalaalaya oo caafimaad qaba
Midhaha Berries: Strawbery iyo midhaha kale ee leh antioxidants sida faytamin C waxay ka hortagaan dhaawaca timaha waxayna kor u qaadaan caafimaadka xididdada lafta madaxa iyo koriinka timaha.
Toonta: Toonta waxaa ku jira selenium iyo sulfur, kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka timaha iyo badqabka guud ee maqaarka.
Cuntooyinkaasi waxay kaa caawiyaan timuhu inay noqdaan kuwo xooggan, dhalaalaya, oo caafimaad qaba. waxaa muhiim ah in la cabbo biyo badan, iyo helitaanka hurdo kguu filan si loo daryeelo timaha sida ugu
wanaagsan.
0 Comments