Haddii aad dooneyso ama aad jeceshahay in ilkahaagu
ay
noqdaan kuwo caafimaad qaba, waxaa wanaagsan inaad iska ilaaliso
cuntooyinkan oo ah kuwo dhaawici kara ilkaha. Waxaana la xusany tiraba 5 cunto oo ilkaha aad ugu
xun;
1. Nacnaca (Candy and sticy)
Nacnaca, gaar ahaan ahaana waxa la xusay kuwa adag
ama dheg-dhega leh sida shukulaatada
ama karamel, waa kuwo si fudud ugu
dhegi kara ilkaha qofla cunaaya, taas oo sare u qaadayso fursaddaha ay
bakteeriyadu ku dhalan karto.
2. Sharaabada
Sonkorta Leh (Soda and Energy Drinks)
Sharaabada sida kuwa soodhaha leh, kuwa tamarta
kordhiya, iyo cabitaannada macaan ee la warshadeeyey waxay leeyihiin sonkor
badan iyo aysiidh badan, kuwaas oo ilkaha ku sababi kara,inay dalooshamaan sida
suuska ama bololka ilkaha.
3.
Cuntooyinka Dufanka Iyo Kaarbohaydraytka (Chips and Bread)
Cuntooyinka sida bardhada la shiilo, roodhida
cad, iyo baastada aadka loo cadeeyey waxay si fudud isu beddelaan sonkor
ilkaha dhaawacda, sidoo kale waxay ilkaha ku dhegi kartaa kuwo u nuqul, caabuq
iyo suuska ilkaha ku samaysma.
4. Midhao
Aysiidha Leh (Citrus Fruits)
Liinta, liin dhanaanta, iyo tufaaxa aadka u dhanaan
waxay leeyihiin aysiidh aad u sareysa, taas oo sababi karta inuu qalalo (engego)
qeybta sare (enamel) ee ilkuhu, waxaanay keeni kartaa jileec iyo dalool ku
yimaada ilkaha.
5. Kafeyga
iyo Shaaha Madow (Coffee and Black Tea)
Cabitaank kafeyga iyo shaaha madow waxay
sababi karaan in midabka ilkuhu uu is badalo muuqaal ahaan (staining), sidoo
kalena waxay kordhiyaan qaleylka afka, taas oo waxyeelo u geysan karta ilkaha.
Talosiin: Haddii aad
cuntooyinkan cunto, isku day inaad si deg-deg ah biyo u cabto ama ilkaha u
cadayato si aad uga hortagto, isbedelka ku iman kara midabka ilkaha.
Sidoo kale, haddii aad u baahato adeeg dheeriya la
xidhiidh dhakhtarka ilkaha.
0 Comments