Daawooyinka dabiciga ah ee madax xanuunka waxaa ka mid ah cabbida biyo badan, saarida madaxa ee waxyaaabaha qabaw, nasinta madaxa, hurdo dheeraad ah, iyo qaar kale oo badan.
Maqaalkani wuxuu eegayaa noocyo kala duwan oo isku daweynta guriga ah iyo daawooyinka dabiiciga ah ee madax xanuunka.
Dadku waxay isku dayi karaan qaar badan oo ka mid ah dawooyinkan isla markiiba, qaarkoodna waxay kaa caawin karaan ka hortagga madax-xanuun mustaqbalka.
1. Biyaaha
Cabitaanka biyo ku filan waxay kaa caawin karaan ka hortagga madax-xanuun ama waxay yareeyaan darnaanta madax xanuunka saayidka ah.
Fuuqbaxa ayaa noqon kara sababta madax xanuunka badan. Waxaa kale oo laga yaabaa inay beddesho sida uu qofku dareemo, u dhaqmo, amaba u fikiro.
Sida daraasado la qaadaay lagu ogaaday, xitaa fuuqbaxa yar ayaa laga yaabaa inuu beddelo sida ay dadku u fikiraan una shaqeeyaan, taasoo ka dhigaysa inay dareemaan inay ka sii daraan, madax-xanuun ama la'aan.
Inkasta oo cilmi-baadhisyada qaarkood ay aad looga baaraan degay, hadana, biyo cabida badan ayaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan qofka xaaladdan ku jira inuu dareemo xaalad degan.
JJoogtayta biyo cabidu waa mid fudud waana in qofku qaaataa caagada biyaha maalintiisa oodhan. Sidoo kale, cunista cuntooyinka dareeruhu ku badan yahay, sida midhaha, maraqa, waxaa kale oo laga yaabaa inay hagaajiyaan fuuq-baxa.
2. Baraf Saar (Cold Compress)
Ku cadaadinta baradfka. wuxuu noqon karaa xal madax xanuunka fudud oo dad badani ay ka cabanayaan. Saarista baraf ama shay kale oo qabow madaxa ama qoorta waxaa laga yaabaa inay gacan ka geysato dabcinta cidhiidhiga xididdada dhiigga waxayna yareyn kartaa bararka. Haddii sidaas la sameeyo waxay si ku-meel-gaadh ah u yareyn kartaan xanuunka madaxa ee aad dareemayso.
Daraasadaha qaarkood waxaa lagu ogaadey in saarista barafka qabaow madaxa ay yareyn karto calaamadaha xanuunka dhanjafka, kaas oo isna ah madax xanuun aad u daran.
3. Dami nalka
Dadka qaar. gaar ahaana kuwa madax xanuunku ku dhaco waxay noqdaan kuwo u nugul iftiinka. Nalalka xafiisyada ee dhalaalaya ama xitaa iftiinka mobilada caaqilka ah (smartphones) ee casriga ah ayaa laga yaabaa inay sii xumeeyaan calaamadaha.
Waxaa laga yaabaa sidoo kale inay ku caawiso inaad ku nasato qol mugdi ah ama iftiin yar markaad ka soo kabanayso xaaladaha madax-xanuunka.
4. Jimicsi samee
Jimicsigu wuxuu kaa caawin karaa inuu jidhku noqdo mid caafimaad qaba korna u qaado wareega dhiiga, iyo yaraynta fursadaha madax-xanuunka.
Mid ka mid ah cilmi-baadhis la qaaday 2018kii laguna daabacay majalada Carruurta ayaa xustay in jimicsiga yar uu saameyn ku yeelan karo madax-xanuunka gaar ahaan qofka qaan-gaadhka ah. Jimicsi joogto ah, dhexdhexaad ah ayaa laga yaabaa inuu ku caawiyo, sida socodka degdega ah ama fuulista baaskiilka 30 daqiiqo maalin kasta, hoos u dhigista madax xanuunka.
6. Hurdada
Arrimo kala duwan ayaa laga yaabaa inay keenaan madax-xanuunka daran ee qofku yeesho, balse dhibaatooyinka la tilmaaamey hurdada ayaa ka mid ah kuwa ugu badan.
Hurdo badan ama aad u yar ama hurdo la'aanta ayaa laga yaabaa inay dadka qaar u keento madax-xanuunka ama madax-xanuun daran oo saayid ah, maadaama oo aanu si buuxda u nasanin jidhkooda.
7. Masaajka/Duugista
Duugista meelaha aad ka dareemayso madax xanuunka, waxay kaa caawin kartaa yaraynta sida werwerka, waxayna yaraynaysaa madax xanuunka. Marka ay qoka wer-wersan yahay, dad badan ayaa tan u sameeya si xirfad sare leh, sida inay duugaan dhabarka, qoorta ama cadadinta xagga sare ee sanka.
Dad badan ayaa ogaanaya in duugista, daanka, ama qoorta ay kaa caawin karaan in ay yareeyaan werwerka isla markaana ay hoos u dhigaan madax-xanuunka daran iyo xaaladaha wer-werka..
Meelaha kale ee la isku dayo in la duugo waxaa ka mid ah meesha u dhaxaysa sunnayaasha iyo labada dhinac ee sunniyaha iyo sanka.
Duugista qoorta ama dhafoorka ayaa sidoo kale laga yaabaa inay kaa caawiso yareynta xaaladahaas.
0 Comments