Dhagaxaanta kelyaha asal ahaan waa macdano iyo milixda, badanaana kuwaasi guud ahaan waa kalshiyam osilate, iyo milixda kelyaha, waxaanay noqdaan kuwo adag oo ku sameysama kelyaha.
Inkastoo ay ku samaysmaan kelyaha, haddana dhagaxaanta kelyahu waxay ku saameyaan qeyb kasta oo ka mid ah habdhista kaadi mareenka.
Xaalada biyo yaraanta ee jidhka ayaa badanaa loo tirayaa inay sabab u tahay sameysanka iyo isbedelada dhagaxa kelyaha gala waana arin saameynteeda leh.
Marka jidhka biyuhu gabaabasi ku noqdaan, isla markaana dareere badani uu debada u baxo iyagoo kelyaha sii maraya, waxay fursda sare u tahay macdanaha iyo milixda jidhka ku jirtaa in ay si aad ah isugu soo dhawaadaan oo ay isku qabsadaan.
waana halka ugu horeysa ee dhagaxaanta kelyuhu ka bilaabmaan.
1- Biyaha
Joogtaynta cabida biyuhu waa midka ugu fudud noocyada looga hortagi karo loona daweyn karo dhagaxaanta kelyaha gala.
Badanaa dadka aqoonta u leh arimaha caafimaadka, waxay soo jeediyaan in la cabo maalintii ugu yaraan laba litir oo biyaha una dhiganata 18 koob iyo in ka badan.
Cabitaanta 12 koob oo biyo ah maalin kasta, waa suurtagal inay kaa caawiso si fudud inay kuu soo dhaafaan amaba si aad yar inay u koraan oo ay ku ururaan kelyaha.
2- Liin La Miiray
Liinta waxa ku jirta maadada Citrate, isku dhiskan ayaa kaa caawinaya burburinta Calcium ta ururtay kelyaha, waxaanay hoos u dhigaysaa koritaankeeda.
Cabitaanka Laba koob oo liin la miiray ah, ka hore waxa la cabayaa iyada oo caloosha qofku ay madhan tahay subaxa hore, halka ka labaadna isna la cabaayo saacado yar ka hor xilliga cashada, waxaanay kaa caawin doontaa burburinta dhagaxaanta yar-yar ee kelyaha ku sameysma.
Waxaana badanaa la soo jeedinayaa inaad ku sameysato gurigaaga, waayo waxa suurtagal ah kuwo diyaarka ah ee suuqa lagu iibiyo inay sonkori ku jirto ama si nidaamsan oo kugu haboon aan loo farsameyn.
3- 3- Khalka Tufaaxa
Khalka laga tuujiyo tufaaxa, waxa sidoo kale ku jirta citric acid taas oo kaa caawineysa burburinta calciumta ururtay ee dhagaxa isu bedeshay.
Laba malqacdoo/qaado oo ah khalka tufaaxa oo lagu qasay litir badhkii oo biyo ah, waxay hoos u dhigaysaa calaamadaha dhagaxaanta kelyaha gala, waxaanay ka hortag u tahay sameysankooda.
Waxa talo caafimaad lagu soo jeedinayaa in la cabo dhawr jeer maalintii, waxaanay wanaagsan tahay waxtarna ay leedahay cuntada ka hor in la isticmaalo.
4- Caws Qamadiga
0 Comments