Barootiinka xad-dhaafka ah ee kaadidaada, mararka qaarkood ayaa loo yaqaan proteinuria, waa calaamad muujinaysa in kelyuhu aanay si fiican aanay u shaqaynayn. Kelyuhu waa inay ka sifeeyaan walxaha wasakhda ah ee dhiig wareega loona saaro kaadi ahaan, waana kuwo halis ku ah caafimaadka qofka guud ahaan.
Kelyuhu waxay kaloo ku soo celiyaan maaddooyinka waxtarka leh jidhka, sida microalbumin, ama borotiinka dhiigga, dhiiggaaga si jidhkaagu u isticmaalo. Barootiinadan waxaa loo isticmaalaa shaqooyinka kala duwan oo muhiim ah, sida horumarinta shaqada murqaha, bogsashada nabarrada, iyo hab-dhiska difaaca. Mararka qaarkood, hanaanka sifeynta ee kelyaha ayaa u oggolaanaya borotiinku inuu ka gudbo qulqulka dhiiga oo lagu arko kaadida halkii ay ku jiri laaheen oo keliya dhiigga. Tani waa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee cudurada kelyaha, markaa haddii aad halis ugu jirto xaaladaha caafimaad darro ee la xidhiidha kelyaha, baadhitaanka borotiinka ee kaadida ayaa kaa caawin kara inaad ogaato dhibaatooyinka caafimaad ka hor inta aysan noqon kuwo halis ah kelyaha iyo caafaamdka qofka.
Maxaa Sababa Kaadida Booratiinka Leh (Proteinuria)
Xaaladaha qaarkood, heerarka borotiinka sare ee kaadida waxay muujin karaan xaalad caafimaad oo halis ah. Cudurka kelyaha, kelyaha dufanka leh, sonkorowga, dhiig karka, cudurada wadnaha, iyo kansarrada qaarkood waxay u horseedi karaan borotiinka.
Waxaa kale oo aad samayn kartaa borotiinka xad-dhaafka ah ee kaadida wakhti yar. Marka ay kuwaasi soo baxaan, waxaad wax ka beddeli kartaa qaab nololeedkaaga si aad u xalliso dhibaatada. Sababaha ku meel gaarka ah ee borotiinka kaadida waxaa ka mid ah:
- Uurka
- Qandho ama xumad sare
- Fuuqbaxa
- Jimicsiga xad dhaafka ah
- Joogitaanka ama taagnaanta
- Heerkulka aadka u qabow
Hadaba, maduucan kooban waxaynu ku soo gudbinaynaa, todoba hab oo la iskaga daweeyo kaadida booratiinka leh.
1. Yaree qaadashada borotiinka
Cuntooyinka borotiinku ku badan yahay, cuntooyinka karbohaydraytyadu yar yihiin waa kuwo caan ah, laakiin borotiin badan oo ku jira cuntadaada waxay sababi kartaa borotiinku inuu dhiig wareega ka baxo laguna arko kaadida. Tani waxay noqonaysaa mid dhib ku ah qofka haddii uu qabo xaaladaha caafimaad sida, sonkorowga, dhiig karka, iyo cudurada kelyaha
Ma jiro qeexitaan cad oo ku saabsan waxa ay ka dhigan tahay cunto borotiinku ku badan yahay. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baadhis ayaa soo jeedinaysa in cunista 1.68 garaam oo borotiin ah halkii kiilogaraam ee miisaanka maalin kasta ay horseeddo korodhka borotiinka ee kaadida Baadhitaan dhowaan la sameeyay ayaa muujiyay in cunista borotiinka yar ama qaadashada borotiinka hooseeya ay si weyn hoos ugu dhigi karto borotiinka kaadida.
2. Xaddid qaadashada milixda
Cunista milixda badan ayaa sabab u ah dhiig karka iyo dhaawaca kelyaha soo gaadha, taas oo keenta in kaadida ay lagu arko xaddi badan oo borotiin ah Daraasad lagu sameeyay cuntada milixdu ku yar tahay iyo cuntada milixdu ku badan tahay ayaa lagu ogaaday in qofka milix badan cuna ay hoos u dhigto habka safeynta kelyaha iyo soo saarka borotiinka badan. Qaadashada milixdu waxay kordhisaa cadaadiska dhiigga, kaas oo si xun u saameyn ugu leh borotiinka kaadida.
Xog kale ayaa tilmaamaysa in hoos u dhigista qaadashada milixda laga bilaabo 10 garaam ilaa 5 garaam maalin kasta ay hoos u dhigto borotiinka.
3. Iska hubi sonkorta dhiigaaga
Sonkorowga iyo sonkorta dhiigga ee muddada dheer ayaa ah sababaha ugu horreeya ee dhibaatooyinka kelyaha ee joogtada ah. Sonkorta dhiigga oo sareysa waxay dhaawacdaa xididdada dhiigga ee caawiya nidaamka safeynta borotiinnada kelyahaaga, taasoo keenta borotiinka kaadidu inuu bato..
Xakameynta sonkorta dhiigga ayaa lagama maarmaan u ah caafimaadka kelyaha, maadaama koontaroolka gulukooska ay si weyn u yareyso borotiinka kaadida, oo ay ku jiraan xaddi yar oo loo yaqaan microalbuminuria.
Waxaa jira dhowr hab oo fudud oo ku saabsan sida loo yareeyo booratiinka kaadida, sida
Si joogto ah ula soco sonkorta dhiigaaga iyo borotiinka kaadida
U qaado insulintaada ama dawada sonkorowga sida laguu qoray
La soco hanaanka cuntadaada, samee sidoo kale jimicsi qorshaysan
4. Cun Fayber Badan
Fayberku waa karbohaydrayt aan dheefshiidku aanu burburin karin waxaana laga helaa midhaha, khudaarta, iyo cuntooyin kale oo badan. Fayberku waxa uu mindhicirka ku jiraa in ka badan karbohaydraytyada kale, kaas oo nidaamiya sonkorta dhiiga oo kaa caawiya in ay hoos u dhigto borotiinka kaadida.
Cunto faybar hodan ku ah oo leh sida, midhaha, khudaarta, lawska, iyo digirta waxay hoos u dhigtaa sonkorta dhiiga waxayna yaraynaysaa borotiinka kaadida.
Daraasaduhu waxay muujinayaan in cuntada sida khudradda ay ku badan tahay faybertu,ay hoos u dhigaan borotiinka kaadida ee bukaanka qaba xanuunka macaanka. Isku day inaad ku darto cuntooyin badan oo faybarku ku badan yahay hanaanka cuntadaada.
5. Jimicsiga
Waxaa laga yaabaa inaad dareento booratiinka kaadida (proteinuria) ka dib jimicsiga xoogan, sida orodka dheer. Noocan borotiinka waa mid wakhti kooban la isku arko, wuxuuna ku soo noqdaa caadi saacado yar gudahood. Caadi ahaan waxaa sababa dhaawaca murqaha ama fuuqbaxa, ama sababtoo ah jidhkaagu wuxuu diiradda saarayaa milixda iyo dib u nuugista biyaha halkii aad ka shaandheyn lahayd borotiinnada.
Si kastaba ha ahaatee, jimicsiga aan badnayn wuxuu sidoo kale kaa caawin karaa hoos u dhigista borotiinka kaadida.
Xo ururin 2010-kii la sameeyey waxay oo ahayd 13 cilmi-baadhisyo ku saabsan bukaannada qaba buurnaanida/cayilka xad dhafka ah iyo cudurrada kelyaha ayaa waxaa la ogaaday in miisaan dhimistu ay hoos u dhigto borotiinka kaadida 49%. Daraasad kale ayaa lagu ogaaday in dabaasha 30 daqiiqo laba jeer toddobaadkii saddex bilood ay si weyn hoos ugu dhigtay iyana borotiinka kaadida ee bukaannada qaba cudurrada kelyaha ee wakhtiga dheer.
6. Jooji sigaarka
Sigaar cabiddu waa mid khatar sare leh gaar ahaana borotiinka iyo cudurrada kelyaha ee daba-dheeraada, haddii aad sidoo kale cudurka sonkorowga, dhiig karka, ama cudurrada kale ee kelyaha.
Daraasad lix sanno socotay, cilmi-baadhayaashu waxay is barbar-dhigeen khatarta cudurrada kelyaha iyo borotiinka kaadida ee dadka sigaarka cabba iyo kuwa joojiyey. Kooxda joojisay sigaarka ayaa 50% ayuu hoos u dhacay khatarta borotiinka marka loo eego kuwa sii waday cabista sigaarka.
7. Ka fogow Daawooyinka qaarkood
Daawooyinka qaarkood waxay saameyn karaan caafimaadka kelyaha waxayna sababi karaan borotiinka kaadida. Daawooyinka aan qoraal dhakhat u baahnanyn (NSAIDs), sida ibuprofen, aspirin, iyo naproxen, iyo kuwa kaleba waxay sababi karaan dhaawac kelyaha iyo soo saarista borotiin badan..
NSAIDs waxay noqon kartaa dhibaato haddii aad leedahay cadaadis dhiig oo sarreeya, aad tahay qof weyn, ama aad hore u lahayd shaqada kelyaha oo liidata ama cudurada kelyaha Iska ilaali daawooyinkan waxay kaa caawin karaan inaad hoos u dhigto borotiinka kaadida.
0 Comments