Ku Ilaalinta cirridka xaalad caafimaad qab ah ayaa lagama maarmaan u ah guud ahaan caafimaadka afka. Waa kuwan shan cunto oo si gaar ah faa'iido u leh caafimaadka cirridka.
Caleenta Cagaaran
Sida, tusaale ahaan waxaa ka mid ah isbinaajka, iyo kale oo
waxtar wax ku ool ah u leh cirridka.
Caleenta cagaarka ah waxay qani ku yahay fiitamiino iyo
macdano badam, gaar ahaan fiitamiin C iyo kaalshiyam, kuwaas oo gacan ka geysta
xoojinta unugyada cirridka iyo yaraynta bararka. Waxay sidoo kale kor u qaadaan
wax soo saarka candhuufta ( saliva ), taas oo ka caawisa in afka inuu iska
maydho/dhaqo hadhaadiga walxaha cuntada iyo bakteeriyada afka.
Midhaha (citrus)
Sida tusaale ahaan, liin macaanta, liin dhanaanta, iyo canabka.
Midhaha liinta waxaa ka buuxa kuna jira fitamiin C, kaas oo
door muhiim ah ka ciyaara soo saarista booratiinka kolajiin (Collagen), oo
muhiim u ah helitaan cirrid caafimaadka qaba.
Faytamiin C waxaa kale oo uu inaga caawiyaa ka hortagga cudurrada cirridka isaga oo xoojinaya habka difaaca jidhka, iyo yaraynaya fursadaha khatartaha caabuqa ama infakshanka cirridka.
Karootada
Karootada waxaa ku badan fitamiin A iyo beta-carotene,
labaduba waxay kor u qaadaan badqabka cirridka. Qaab dhismeedkiisa ayaa la
rumeysan yahay inuu inaga caawiyo nadiifinta ilkaha marka aad calaalinayso,
dardar gelinta ama carinta unugyada cirridka iyo dhiirigelinta soo saarirta qulqulka
candhuufta oo mihiim u ah caafimaadka cirridka.
Lawska iyo Midhaha, sida, yicibta, iyo lawska, waa kuwo u
wanaagsan cirridka.
Midhuhu waa ilo weyn oo laga helo duxda caafimaadka u roon,
borotiino, iyo macdano kale oo badan sida magnesium iyo zinc. Nafaqooyinkani
waxay inaga caawiyaan ilaalinta ilkaha iyo helitaanka cirrid xooggan oo
caaafimaad qaba iyagoo taageeraya bogsashada unugyada cirridka iyo yaraynta
bararka.
Shaaha Cagaaran
Shaaha cagaaran waxaa ku jirta antioxidants, gaar ahaan
catechins, kuwaas oo ka caawiya qofka la dagaalanka bakteeriyada iyo yaraynta
caabuqa cirridka ku dhaca. Cabitaanka shaaha cagaaran si joogto ah waxa ay
sidoo kale wanaajisaa neefta afka iyo ka
hortagida caabuqa cirridka isaga oo la dagaalanta bakteeriyada afka ee waxyeelada
leh taas oo keenta lingaxa ilkaha ku sameysma ( plaque buildup), waxaanu
sababaa cirrid dhiiga
Talooyin caafimaad ayaa lagu soo jeedinayaa, ku darida
cuntooyinkan hanaanka cuntadaada waxay kaa caawin kartaa caafimaadka cirridka
iyo guud ahaan nadaafadda afka ee qofka.
0 Comments