Cuntooyinka qaarkood ayaa u wanaagsan ama uroon indhaha iyo aragga qofka, waxay kaa caawin karaan kuwani aragga sida beedka ama ukunta iyo caleenta cagaaran ee kale.
Qaarkood waxaa ku jira nafaqeeyayaal u wanaagsan caafimaadka indhaha, sida lutein iyo zeaxanthin, maaha kuwo jidhku sameeyo keliya waxaa laga helaa cuntada.
Joogteynta cunto wanaagsan oo dheelitiran, waa furaha ku illaalinta indhaha xaalad caafimaad, wxaanay kaa caawin kartaa hoos u dhigista halista iyo sameysanka xaaladaha caafimaad daro ee indhaha ku dhici kara, taas oo ka hortagysa, haddii la helo cunto dheelitiran oo ay ku jiraan;
- Caadka indhaha fuula
- Dhaawaca soo gaadha qeybta araga ee indhaha
- Indho qaleylka
- Dadka aan habeenkii waxba arag
-Cadaadiska Indhaha oo dhaawaca dareen wadaha araga qaabilsan
Kalluunka/Malayga
Kalluunku, gaar ahaan salmon wuxuu noqon karaa cunto aad u wanaagsan si kor looga qaado caafimaadka indhaha.
Salmon iyo noocyada kale kalluunka ayaa waxaa ku jirta oo laga helaa omega-3 fatty acids. Waa kuwo dufankani u wanaagsan caafimaadka indhaha. Asiidhka dufanka leh ee Omega-3 wuxuu gacan ka gaysan karaa sare u qaadida aragga iyo caafimaadka qaybta dambe ee isha,. Waxay kaloo kaa caawin karaan ka hortaggida indhaha qalalan.
Ka feker inaad ku darto hanaankaaga cuntada, Salmon, maxaa yeelay wuxu wanaagsan yahay indhaha iyo aragga, si la mid ah cunitaanka salmonka la beero waxaa ku badan baruurta, waxaana ku yar omega3 fatty acida ku dedaal helitaanka salmonka aan la beerin ee duurjoogta ah, sida kan ku jira badaha.
Salmon, sida kalluunka badankood waa la dubi karaa ama la shiili karaaba Iyo casho fudud oo macaan oo macaan, oo isku daya inaad ku dhejisid geedo yaryar oo cuscusub ah, iyo liin, iyo cusbo, iyo madiqs.
Ukunta/Beedka
Waa cunto u wanaagsan caafimaadka indhaha. Qeybta huruuda ah ee ukunta ( York ) waxaa ku jira oo laga helaa;
- Faytamiin A
- Lutein
- Zeaxanthin
- Zinc
Nafaqooyinkani waa kuwo muhiim u ah caafimaadka indhaha iyo aragoodaba.
Faytamin Agu, wuxuu illaaliyaa isha gaar ahaan qeybta debada ee sare ( Cornea ).
Lutein iyo Zeaxanthin, waxay hoos u dhigaan fursadaha sameysanka cudurada daran ee dhaawaca indhaha iyo araga sida caadka indha fuula.
Zinc, macadantani waxay joogtaysaa caafimaadka retinada oo ah qeybta isha araga u qaabilsan kuna taala qeybta danbe, sidoo kale waxa ay ka qeyb qaadata caawinta aragtida ee habeenkii.
Beedka ama ukunta waa cunto ku haboon xilli kasta sida quraac, qado iyo xitaa casho, waana mid faaido caafimaad oo sare leh.
Lawska
Midhaha lawsku waa kuwo waxtar u leh caafimaadka indhaha guud ahaan, gaar ahaan almond, waxaa ku jirta oo laga helaa Faytamin E, waxay ka hortagtaa malakuyuulada aan deganayn oo keeni kara xaalad caafimaad oo aan wanaagsanayn gaar ahaan unugyada caafimaadka qaba ee indhaha.
Cunida joogtada ah ee almond oo laga helo faytamin E, si maalin laha qadar ah 22 IU, halbeega lagu cabiro wuxuu ka hortagi karaa, cudurada ku dhaca indhaha sida caadka indhaha ku sameysma oo kale.
Caanaha
Waxyaabaha caanaha laga farsameeyo, sida caanaha, iyo caaano fadhiga waa kuwo u roon caafimaadka indhaha.
Waxaa ku jira faytamin A, iyo macdanta Zink, faytamin Agu waa difaaca cornea oo ah qeybta debada ee isha, halka zinkguna uu ka yimaado beerka waxaanu u wanaagsan yahay araga iyo illaalinta qeybta aragga ee isha.
Macdanta zink, waxaa laga helaa dhamaan indhaha, gaar ahaana retinada iyo cornea oo shaqooyin mihiim ah u haya isha.
Cabitaanka caanaha, shaaha cuntada galka leh sida qamaddiga ama masagada iyo kafeyga.
Kaarootada
Khudrada dhamaan waa mid u wanaagsan caafimaadka, balse kaarootadu waxaa lagu tilmaamaa mid u wanaagsan caafimaadka indhaha.
Qeybta hurruda ah ama jaalaha ee ukunta waxaa ku jira faytamiin A, iyo maadada bita kaarotiin.
Faytamiin A iyo beta kaarotiin labaduba, waxay caawiyaan qeybta sare ee isha,iyo inay ka hortagaan caabuqa isha iyo xaaladaha caafimaad daro ee kale indhaha ku dhici kara.
Liin Macaan
Noocyada kale ee khudaarta iyo liin macaantuba, waxaa laga helaa faytamiin C oo ah mid lagama maarmaan u ah aasaaska caafimaadka indhaha. Waana mid ka mid ah faytamiinada laga helo khudaarta sida tan la cuno ama la kariyaba, kuwan oo taageera caafimaadka xidida dhiiga ee indhaha.
Waxa uu ka hortagaa sameysanka caadka indhaha fuula,wada jirka faytamiinada iyo nafaqeeyaalka kale, waxaanay ka hortagaan cudurada indha ku dhaca ee da'da la xidhiidha.
Kale
Waxay isku nooc yihiin kaabashka, waxaana inta badan la arkaa isagoo labad mid ah cagaar ah ama buni ah ( purple ), waxaana laga helaa faytamiino, macdano iyo nafaqeeyayaal kale oo u roon indhaha.
Waa mid aad ugu wanaagsan caafimaadka indhaha.
Kale waa mid qani ku ah, antioxidants oo indhaha ka difaaca free-radicals oo dhaawici kara, lutein iyo zeaxanthin.
0 Comments