LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Ways To Stop Bed Wetting ( Sida Loo Xaliyo Caruurta Isku Kaadida )



Caruurtu inay isku kaadido inta ay korayaan, waa wax caadi ah oo inta badana tani waxay ku dhacdaa qoysaska. Waxay noqon kartaa mid laga niyad jabo, laakiin badi carruurta iyo dhalinyarada ayaa ka kora ama ka weynaada xaaladan.

Qormadan kooban waxa aynu uga hadlaynaa, waxayaabaha looga baahan yahay inay waalidku sameeyaan, si xal loogu helo arinta iyo waxyaabaha ka reeban ee aan la ogolayn. 

Waxyaabaha aad ku samayn karto guriga si aad uga caawiso ilama isku kaadiya.

Samee, kuwan soo socda;

- Sii ilmahaaga biyo ku filan oo uu cabbo maalintii.

- Hubi in ilmahaagu si joogto ah u galo musqusha, qiyaastii 4 ilaa 7 jeer maalintii.

- Kula heshii ilmahaaga abaal-marin inaad siin doontid haddii uu sameeyo ficillada wanaagsan, sida sawirada lagu sawiray kartoonada ay jecel yihiin mar kasta oo ay isticmaalaan musqusha ka hor hurdada.

- Dulsaar, furaashka iyo bustaha (Joodari). si aan kaadidu u qoyn.

- Hubi inay si fudud u heli karaan musqul habeenkii, haday u baahdaan.

Ha samayn;

- Ha ciqaabin ilmahaaga - ma aha qaladkooda waxayna ka sii dari kartaa inay isku kaajaan.

- Ha siin ilmahaaga cabitaanno ay ku jiraan kafeyn, sida kookaha, shaaha iyo kafeega.

- Si joogto ah, ha u kicin hana qaadin ilmahaaga habeenkii si aad musqusha u isticmaasho - tani ma caawin doonto mustaqbalka fog.

Sababaha Isku Kaadinta 

Waxaa jira sababo badan oo uu ilmuhu noqdo kuwa isku kaadiya. Sababaha waxaa ka mid ah:

- Ilamaha oo aan sii kaajin, marka la seexinayo.

- Habeenkii oo uu sameeyo, kaadi badan.

- Wer-werka, guriga ama dugsiga

Caruurtu inay isku kaadido, waxaa sidoo kale sababi kara xaalado caafimaad, sida sonkorowga ama calool-istaagga.

Daawaynta 

Haddii ilmahaagu sii qooyo sariirta, dhakhtarkaga ayaa caawin doona dhibtan, sida in

Saacada dhawaaqda (Alarming) wxay kaa caawinaysaa in lagu yareeyo isku kaadinta caruurta, iyo dawo hoos u dhigaysa iin ilmuhu isku kaadiyo habeenkii.



Post a Comment

0 Comments