Badanaa inta badan, cudurada kelyuhu ma laha, wax calaamad ah marka ay bilawga yihiin tan oo muujinaysa in qofku qabo cudurada kelyaha ku dhaca.Dalka maraykanka oo ah mid ka mid ah dalalka ugu dadka badan aduunka 10 qof ee xcudurada kelyaha leh 9 qof oo ka mid ah ma laha calaamadaha lagu garto cudurada kelyaha ee daba dheeraada.
Bilawga cudurad kelyaha shaqadoodu si caadi ah ayey u socotaa si qofku u dareemo inuu caafimaad qabo, mana jirto wax isbedel ah oo laga dareemayo.
Balse, mar xaladaha ugu danbeeya, ayaa qofka laga arkaa inuu leeyahay cudurada kelyaha ku dhaca, waxaana aynu halkan ku soo koobaynaa qaar ka mid ah.
1. Kaadi Booratiin Leh (Proteinuria)
Waa mid ka mid ah calaamadaha ugu horeeya, ee lagu karto in qofkuu leeyahay cudurada kelyaha, waxaanay tahay kaadida oo lagu arko booratiin, tani waxay ina tusaysaa in habka safaynta ee kelyaha aanay si sax u safeynaynin kaadida iyo waxyaabaha la socdaba.
Kaadida qofka caafimaadka qaba waxaa lagu arkaa inay leedahay hal lakab oo xunbo ah markiibana baabada, balse qofka qaba cudurada kelyaha ama booratiinku ku badan yahay, waxaa lagu arkaa laba xitaa saddex lakab oo xunbo cad ah oo is dul saaran oo muddo halkaa ka sii muuqda.
2. Habeenkii Kaadi Badan (Noctura)
Dareeraha badan ee ku ururaya jidhka, waxa uu sababi karaa kaadi badan gaar ahaan xilliga habeenkii ee la hurdo.
Sidoo kale kackacitaanka badan ee habeenkii waxay carqaladaysaa hurdada qofka, waxayna keentaa hurdo yaraan iyo daal qofka ku yimaada.
3. Barar (Swelling)
Marka aanay kelyuhu awoodin inay jidhka ka saaraan, dareeraha dheeriga ah iyo wasakhda, waxa qofka ku dhacda in lagu arko barar ( edema ).
Bararka badanaa waxaa lagu arkaa, qeybaha cagta sida, faraha dushooda, canqawga iyo xitaa qeybta sare ee lugta, waa mid dhif iyo naadir ah in la arko bararka gacmaha iyo wejugu.
4. Daal Badan (Fatigue)
Cudurada kelyuhu waxay sabaan in qofku uu dareemo daal aad u badan iyo awood daro saayid ah. Waxa kale oo qofka lagu arki karaa foganaanta ama dareenka qofka ee fikir ahaaneed oo aad u yar.
Sidoo kale, xaaladaha daran ee la xidhiidha cudurada kelyaha waxaa ka mid ah, dhiig yaraanta oo iyana sababta daciifno ama tamar daro saayid ah.
5. Maqaar Cuncun (Itchy skin)
Wax kale oo wehelisa, shaqada kelayah inay safeeyaan dhiiga, kelyuhu waxay caawiyaan joogteynta caafimaadka lafaha iyo in si sax ah loo joogteeyo heerka macdanaha ku jira dhiig wareega.
Maqaar cuncunku, wuxuu nqon karaa, calaamad in macadanaha iyo cudurada lafaha la xidhiidhaa ay horumarayaan tanina waa sababta cudurada kelyaha ku dhaca iyo shaqadooda oo hooseeysa.
6. Xanuunka Lafaha Iyo Isgoysyada (Bone and Joint Pain)
Dadka leh cudurada kelyaha, waxay kale oo ay isku arki karaan, inay xanuunaan lafaha iyo isgoysyadu sidoo kale,
Kelyuhu waxay jidhka u qaabilsan yihiin safeynta, iyo joogteynta macdanaha iyo dheecaanada kala duwan, kuwan oo muhiim u ah caafimaadka iyo shaqada lafaha guud ahaan ee qofka.
7. Neeftuur (Shortness Breath)
Dadka qaarkood ee leh, calaamadaha cudurada kelyaha ee aadku darani, waxay isku arkaan neeftuur (dyspnea).
Tanina , waxau iman kartaa marka qofku ku jiro hawlihiisa maalin laha, waxaanay dhibaato ku tahay nolosha qofka iyo dhaqdhaqaaqiisa iyo guudba,
Calaamadaha Marxalada Labaad
Waxaa ka mid ah calaamada kuwan soo socda;
- Laab xanuun,
- Maqaar qaleyl
- Cun cun daran
- Kabuubyo,
- Daal neeftuur saayid ah
- Murqo xanuun
- Barar
-Cunto qaadashada oo hooseysa
- Isbedelka Dhadhanka iyo Urta
- Hurdo xumo
- Yalaalugo/Lalabo
- Matag
- Miisaaka Oo Dhaca
Sidoo kale, dadka qaba cudurada kelyaha ee daba dheeraada CDK, waxaa lagu arki karaaa, dhiig la'aan cudurada lafaha iyo nafaqo darro.
Maxaa Sababa Cudurada Kelyaha ?
- Cadaadis dhiiga ee sareeya
- Sonkorta/Macaanka
- Duxda dhiig wareega
- Caabuqyada Kelyaha
- Dhagaxaanta Kelyaha
- Dawooyinka xanuun baabiiyaasha ah (NSAIDs)
0 Comments