LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Skin Bleaching and Health problems ( Khataraha Dawooyinka La Isku Cadeeyo)



Diir is xayuubinta (Bleaching) waxaa la isticmaalka waxyaabo kiimiko ah ama daawooyin si loo iftiimiyo (cadeeyo) midabka maqaarka iyadoo la yaraynayo wax soo saarka melanin. 

Melanin waa Midabka Dabiiciga ah ee mas'uulka ka ah midabka maqaarka, timaha iyo indhaha. Inkastoo dawooyinkan maqaarka lagu dhalan gadiyo laga isticmaalo meelo kala duwan oo adduunka ah sababo la isku qurxiyo, badanaaba adeegsigooda  waxaa keeni kara cadaadiska bulsho iyo mid dhaqan, waxay yeelan karaan khatar caafimaad oo la taaban karo. 

Khatarahani waxay ku yimaadaan ugu horayn waxyaabaha loo isticmaalo maqaarka ku jira, dawooyinkaas kiimakada ah sida mercury, hydroquinone, iyo corticosteroids. 

Maqaalkan, waxaynu kaga hadlayaa, dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka dawooyinka la mariyo maqaarka. 

1- Waxyeelada maqaarka

Maqaar khafiifa: Isticmaalidda wakhti dheer ka dib dawooyinka ay ku jirto corticosteroids waxay khafiyaan maqaarka, taas oo ka dhigaysa mid u nugul dhaawac, nabarro, iyo caabuqyo.

Aan U Adkaysanin: Maqaarka la cadeeyey wuxuu u nugul yahay dhaawaca qorraxda, taasoo keenta arrimo ay ka mid yihiin gubashada, adkaysi la'aan iyo xitaa kansarka maqaarka.

Midabaynta aan sinnayn: Waa xalad ku timaada isu dheelitir la'aanta , midabeysanka maqaaeka oo hooseysa, waxaana qofka wejigiisa lagu arkaa meelo u muuqda sidii inay gubteen ama madaw oo uu sareeyo midabeynta maqaarka,

Finan: Isticmaalka kiimikada maqaarka oo badani waxay carqaladeyn kartaa isu dheelitirka dabiiciga ah ee maqaarka, taasoo keeni karta inflammation, dillaacyo, iyo xasaasiyad kale oo xasaasiyad ah. Waxaanay horseedi kartaa, bararka maqaarka, dildilaaca wejiga ku yimaada iyo xasaasiyad. 

2. Khatarta korodhay ee Kansarka Maqaarka

Cadeynta maqaarka ayaa yareysa maadada melanin, taas oo door muhiim ah ka ciyaarta ka difaaca maqaarka waxyeelada leh ee shucaaca ultraviolet (UV). 

Marka la helo melanin yar, maqaarku wuxuu noqdaa mid u nugul shucaacyada UV, taas oo kor u qaadaysa khatarta ah in kansarka maqaarka uu ku dhaco muddo ka dib, gaar ahaana haddii aan la isticmaalin difaaca qorraxda, si loo yareeyo falaadha ultraviolet (UV). 

3. Dhaawaca Kelyaha iyo Beerka

Meerkuriga mararka qaarkood waxaa loo isticmaalaa kiriimyada lagu cadeeyo maqaarka, inkasta oo laga mabnuucay wadamo badan oo dunida ah, sababo la xidhiidha saamaynta sumawgiisa awgeed. Isticmaalka muddada dheer waxay keeni kartaa sumowga meerkuriga, kaas oo si xun u waxyeeleyn kara kelyaha iyo beerka. Calaamadaha sumowga meerkuriga waxaa ka mid ah: Xusuusta oo lunta, gariir, niyad-jab, daal, dhibaatooyinka dheefshiidka, iyo murqaha oo daciifa

4. Isku dheelitir la'aanta Hormoonka

Isticmaalka wakhti dheer, daawooyinka ay ku jirto corticosteroids, oo mararka qaarkood lagu daro kiriimyada maqaarka lagu cadeeyo, waxay carqaladeeyaan nidaamka soo saarida hoormoonada jidhka (endocrine system ), taas oo keenta xaalado ay ka mid yihiin: Korodhka miisaanka, dhiig karka, iyo sonkorta dhiigga oo sarreeya

5. Infekshannada iyo bogsiinta dhaawaca oo daahda

Waxyaalaha la isku cadeeyo waxay inta badan wax u dhimaan dahaadhka maqaarka oo ah difaaca koobaad, taas oo ka dhigaysa mid aad ugu nugul caabuqyada bakteeriyada, fangasyada, ama fayrasyada. Maqaarkala cadeeyey wuxuu sidoo kale hoos u dhaca bogsashada nabarrada, taas oo keenaysa barar iyo nabarradu inaanay bogsan wakhti dheer. 

6. Saamaynta nafsi ahaaneed

Dhibaatooyinka caafimaadka jidhka ka sokow, maqaarka la cadeeyey wuxuu horseedi karaa arrimo nafsi ah, oo ay ku jiraan isku kalsooni la'aan, ka shakiyid qaabka aad u eeg tahay, iyo walwal, gaar ahaan haddii natiijooyinka aysan ahayn sidii la filayay. Cadaadiska bulshada ee ah is qurxinta iyo halbeegyada ay ua deegsadaan ayaa iyana uga sii dari karta xaalada filnaansho la'aanta.

7. Dhaawac Indhaha

Haddii dawooyinka maqaarka lagu cadeeyo ay si lama filaan ah ula galaan indhaha, waxay keeni karaan cuncun, gubasho, iyo xitaa dhaawac joogto ah, oo sababi kara indho la'aan.

8. Dhibaatooyinka xilliga uurka

Haweenka uurka leh ee isticmaala kiriimyada maqaarka lagu caddeeyo oo ay ku jiraan maaddooyin waxyeello leh sida meerkuri ama corticosteroids waxay halis ugu jiraan inay walxahan sunta ah u gudbiyaan uurjiifka. Tani waxay keeni kartaa dib u dhac korriin ah iyo cilladaha kale ee dhalashada.

Gabagabo

Waxaa dhici karta in quruxda mudada dhaw ay kuu horseedi karto dhibaatooyin caafimaadoo wakhti dheer qaata, had iyo jeer la tasho dhakhtar ama adeeg bixiye caafimaad si looga hortago dhibaatooyinka dawooyinka maqaarka lagu cadeeyo.

Post a Comment

0 Comments