Maqaarka saliida leh ayaa waxaa sabab u ah marka qanjidhaada maqaarka ku jira ay soo saaraan sebum aad u badan. Dhowr hab ayaana la isaga daweyn karaa sida,isku daweynta guriga, wax ka badalka hab nololeedka, iyo dawooyinka isticmaalka daawooyinka u gaarka ah, ayaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan in ay ka takhalusaan maqaarka saliida ama la yareeyo muuqaalkiisa.
Maqaarka saliida leh ayaa dad badan walaac ku haya. Waxay sidoo kale keeni kartaa xaalado caafimaad oo maqaarka ku dhaca isla markaana kala duwan.
1. Nadiifin joogto ah
Dhaqidda wajiga nadiifiye jilicsan, oo isku dheeli tiran, nadiifiye aan nuuqul ahayn subax kasta iyo fiidkii ayaa muhiim u ah ilaalinta maqaar nadiif ah oo caafimaad leh.
Waxaa sidoo kale dadku waxay ka faa'ideystaan doorashada waxyaabaha wajiga lagu maydho ee jilicsan si looga fogaado dhaawac soo gaadha. Sababta oo ah, adeegsiga wax yaabaha ay adag adagi waxay keeni karaa wax soo saar dheeraad ah oo ku yimaada saliid ah maqaarka.
2. Isticmaalka Faytamin C (Salicylic acid)
Marinta wejiga si dabacsan waxyaaha ka sameysan faytamin Cga., in fikri ahaan la isticmaalo waxaa ku jirta maadada salicylic acid, waxaana haboon in la isticmaalo hal mar sid todobaadle ah, waxay kaa caawin kartaa in ay wejiga ka soo saaraan unugyada maqaarka ee dhintay, yareynta saliida xad-dhaafka ah, iyo qashinka kale ee dusha sare ee maqaarka.
Si dabsan wejiga u mari adoo, ku wareejinaya una daa, muddo 30 ilbidhiqsi ah, ka dibna biyo diiran kaga maydh.
3. Shaaha cagaaran ( Green Tea)
Isku dhiska Polyphenols-ka ee laga helo shaaha cagaarni waxay kaa caawin karaan daaweynta xaaladaha kala duwan ee maqaarka, oo ay ku jiraan maqaarka oo saliid leh. Inkastoo cilmi-baaris dheeraad ah lagama maarmaan tahay, mid ka mid ah dib oo la qaaday 2017kii ayaa lagu ogaaday in polyphenols ee shaaha cagaaran in ay yarayso soo saari taanka sebum.
4. Yaraynta werwerka
werwerku, wuxuu keeni karaa sii deynta hormoonnada, oo ay ku jiraan cortisol dheecaanka walaaca iyo walbahaarka, kaas oo sare u qaada soo saarista xaadi badan oo duxda wejiga sebum.
Sidaas darteed, yareynta diiqadda naftu waxay yareyn kartaa in uu yareeyo saliida wax soo saarka maqaarka.
Waxa lagu yareyntaa siyaabo badan, sida biyo cabid joogtaa, jimicsi dhexdhexaad ah, iyo hurdada oo la hagaajiyo.
5- Wejiga ha taaban
Haddii uu maqaarkaagu yahay mid saliid leh, isku day inaad iska ilaaliso inaad taabato inta suurtagalka ah. Gacmahaagu waxay wejigaaga u gudbin karaan wasakh, saliid, iyo bakteeriyada saaran gacmahaaga, taas oo keenaysa in saliidu ku ururto daloolada maqaarka ee yar yar.
Tanina, waa mid adag in la sameeyo. Daraasad ayaa lagu ogaaday in dadku wajigooda celcelis ay taabtaan maalintii in ka badan 23 jeer saacaddiiba.
0 Comments