Dad badan ayaa la dhibaataysan, xaydha badan ee ku ururtay, agagaarka caloosha, mararka qaarkoodna, waxay u gudbtaa qeybaha hoose ee xubnaha sida beerka iyo midhicirada. Hadaba, muuqaalkan waxaynu kaga hadlayanaa siyaabaha loo jaro xaydha caloosha.
1- Yaree cabitaanada sokorta Leh
Cuntada ay ku badan tahay sonkortu ama lagu daray ayaa waxay keeni kartaan xaydha caloosha ku sameysanta oo aad u xad dhaafa.
Isticmaalka sonkorta ee xad-dhaafka ahi waa sababta koowaad ee keenta baruurta xad-dhaafka ah ee caloosha iyo beerka. Tani waxay gaar tahay dhab ahaantii cabitaanada sonkorta leh gaar ahaana cabitaanada fudud.
2. Cun Booratiin badan
Booratiinku waa cunto u wanaagsan caafimaadka qofka ee guud ahaan, waan tan ugu muhiimsan ee miisaanka oo dhimista.
Keliya kama qeyb qaadato miisan dhimista sidoo kale, waxay ka hortag u tahay in mar kale qofkuu noqdo mid cayil ama buuran.
Cunitaanka faraha badan ee borotiinku ayaa ah kor u qaadida shaqada dheef-shiid ee burburinta iyo dhisida cuntada, hoos u dhigista in qofku gaajo dareemo, taas oo ka dhigaysa mid waxtar badan u leh luminta miisaanka . Caddaymaha qaar ayaa muujinaya in borotiinada ay xidhiidh la leeyihiin dufanka caloosha oo hoos ku yimaado.
3. Yareynta Cuntada Karbohaydrayt
Ka dib markia aad cunto katbohaydrat aad u yar am cuntada gebi ahaanba uu hooseeyo karbohaydrat, duxda iyo booratiinkuna ku badantay waxay noqon kartaa hab waxtar leh loo yareeyo xaydhaha ama baruurta. Si kastaba ha ahaatee,yareynta cuntooyinkani waxay sababi karaan khatar, sidaa daraadeed maahan kuwo ku habboon qof walba inuu isticmaalo.
Daraasado la sameeyay ayaa sheegaya in goynta ama yareynta karbs ay si gaar ah waxtar ugu leedahay hoos u dhigista baruurta ku jirta aagga caloosha.
0 Comments