LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

How Increase Children weight ( Miisaan Kordhinta Caruurta )



Waxaa jira siyaabo kala duwan oo lagu kordhiyo miisaanka, sida kordhinta qaadashada kalooriga dheeraadka ah iyo isticmaalka cuntooyin badan oo nafaqo leh.

Maqaalkan, waxaynu kaga hadli doonaa, cuntooyinka gaarka ah ee miisaanka lagu kordhiyo.

Si joogta ah u cun

Cunista cunnada marar badan ayaa ah xeelad wax ku ool ah oo lagu kordhiyo miisaanka. Halkii llaga cuni lahaa saddex jeer cunto aad u weyn ama u culus, si tartiib ah ugu kal jajabi qeybo yar yar ka dibna cun shan ilaa lix jeer cuntadaada oo maalintii oo dhan.

Tani dhab ahaantii, waxay ka dhigaysaa in jidhkaagu uu helayo si joogto ah kaalori ama tamar dheeraad ah maalinta oo dhan.

Qorshee Cuntadaada

Cunto kasta waa inay la haataa borotiinno, karbohaydraytyo, iyo dufan caafimaadka u wanaagsan. Tanina waxay kaa caawin kartaa inaad si badbaado leh u korodhiso miisaankaaga adiga oo aan calooshaada ka badin ama hoos u dhigin rabitaanka cuntada.

Mid kastaa wuxuu door gaar ah ka ciyaaraa shaqada jidhkaaga, iyo qaadashada cunto dheelitiran, waxa aanay joogtaysaa caafimaadka iyo miisaanka.

Isticmaalka midhaha kala duwan, khudaarta, borotiinada, iyo midhaha oo dhan waxay ku siin karaan nafaqooyinkan muhiim ah.

Kaabista Cunnada

Tixgeli inaad isticmaasho kaabayaasha sida budada borotiinka ama waxyaabaha lagu darsado cabitaanada miisaanka kordhiya (Shakes). Kaabayaasha sida, faytaminada sidoo kale waxaa lagu tixgalin karaa talada bixiyaasha caafimaadka si loo buuxiyo shuruudaha cuntada.

Tilmaantoodu waxay kaa caawin doontaa inaad samayso go'aamo xog ogaal ah oo ku saabsan mida saxda ah si aad u korodhiso miisaankaaga.

Jimicsiga Jidhka

Jimicsigu waa hanaan kale oo wax ku ool ah laguna kordhiyo miisaanka, maadaama ay ka caawiso dhisidda qarada murqaga. Adigoo isku daraya jimicsiga,iyo cunida cuntooyinka borotiinka ku qaniga ah, waxaad kalooriyada dheeraadka ah u bedeli kartaa muruqo halkii ay ka ahaan lahaayeen dufan qofka u keeni kara, xaydh ama baruur aan wanaagsanayn.

Jimicsiyada joogtada ah, sida culeys qaadista, waxay hagaajin kartaa caafimaadka jidheed, heerka dheef-shiid, iyo guud ahaan caafimaadka jidhkaaga oo dhan.

Cab Biyo Badan

Joogteynta ka badqabka biyo yaraanta, waa mid aasaasi ah oo ka mid ah cuntooyinka caafimaad leh, iyada oo aan loo eegin yoolalka miisaankaaga. Biyuhu waxay taageeraan dhammaan hawlaha jidhka, oo ay ku jiraan dheef-shiid iyo qaybinta nafaqooyinka kal duwan, oo muhiim u ah korodhka miisaanka.

Si kastaba ha ahaatee, cabbitaanka biyo badan cuntada ka hor waxay yarayn kartaa rabitaanka cuntada. waxa fiican inaad biyaha cabto 30 daqiiqo ka hor cuntada, ama ka dib.

Post a Comment

1 Comments