Waa maxay shaaha cagaaran?
Dhammaan noocyada ka;a duwan ee shaahan cagaaran (Green Tea) waxaa laga sameeyaa geedka camellia sinensis. Shaaha cagaaran wuxuu magaciisa ka helay midabka cagaarka ah ee u gaarka ah, caleemaha aan la warshadaynin isla markaana aan khamiirin sidoo kale.
Asalkii hore ilaa shaaha cagaaran illa ku dhawaad 5,000 kun oo sanno ka hor ayaa la isticmaali jiray, shaaha cagaaran waa mid caadi ahaan laga cabbo lagana beero Bariga Aasiya halkaas oo sifooyinka la xidhiidha caafimaadka iyo qiimaha u gaarka awgeed.
1. Difaaca Jidhka
Isku-dhiska loo yaqaan 'polyphenols' ayaa lugu yaqaanaa inay jidhka ka difaacaan saameynta cudurrada ay u geysan karaa, sidoo kale waxay ka qeyb qaataan helida cunto isu dheelitiran. Iskudhiskan ah antioxidant-ka waxaa laga helaa noocyo badan oo ka mid ah midhaha la cuno, iyo cuntooyin kale aan la warshadaynin.
Shaaha cagaaran wuxuu leeyahay faa'iidooyin caafimaad oo badan kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah loo aaneynayo xaqiiqda ah in inta badan aan la warshadeynin oo uu qani ku ah isku-dhiska dhirtaas. ee ka difaacda qofka cudurada (antioxidants), kuwa ugu muhiimsan ee shaaha cagaaran waa flavonoids, oo ay ugu badan yihiin catechins iyo epigallocatechin gallate (EGCG).
2. Feejignaanta Qofka
Shaaha cagaaran waxaa ku jira, tiro kiciyeyaasha (stimulators), dabiiciga ah, oo ay ku jirto maadada caffeine, inkastoo aanay la mid ahayn tan kafeega laga helo, haddana waxay qofka ka caawisaa ilaalinta feejignaanta iyo soo jeedkiisa.
3. Waxaa laga yaabaa inay ilaaliso maskaxda
Isku dhiska polyphenols oo faa'iido weyn u leh caafimaadka qofka lagana helo shaaha cagaaran ayaa laga yaabaa inay kaa caawiyaan hoos u dhigista waxyeelada gabowgu u keeno maskaxda ku hayso.
4. Deganaansha Qofka
Shaaha cagaaran waa isha laga helo amino aysiidha L-theanine, taas oo leh saameyn nasasho ah; Tani waxay ku samaynaysaa soo saarista inay kordhiso niyadda kiimikooyinka maskaxda ee ka qeyb qaata niyad wanaaga iyo farxada qofke ee ka mid yihiin GABA, dopamine iyo serotonin. Waana kuwo dejiya maskaxda qofka, una abuura jawi deganaansho ah.
5.Cudurka Macaanka
Iskudhiskan Polyphenols ee laga helo shaaha waxay awood u leeyihiin inay joojiyaan enzymes dheefshiidka sida lactase iyo dib u dhigista ama qaadashada gulukooska (sonkorta) ee mindhicirada, tani waxay keentay in daraasadaha qaarkood ay ku soo gabagabeeyaan in qaadashada joogtada ah ee shaaha cagaaran laga yaabo mid waxtar leh si la mid ah daawooyinka qaarkood ee yaraynta khataraha cudurka macaanka; si kastaba ha ahaatee, weli waxaa loo baahan yahay daraasado dheeri ah.
6. Caafimaadka Lafaha
Shaaha cagaaran ayaa laga yaabaa inuu kaa caawiyo ilaalinta cufnaanta ama qarada lafaha iyo hoos udhigista khataraha jajabka lafaha soo gaadha. Saamayntan wax ku ool ka ayaa loo badainayaa isku dhiska cajiibka ah polyphenol kan oo laga helo shaaha cagaaran.
7. Khatartaha Cudurada Wadnaha
Cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in shaaha cagaaran uu yahay cabitaan faa'iido weyn leh oo qofka ka caawinaya si loo yareeyo khataraha cudurrada wadnaha iyo xaaladaha la xidhiidha, sida istaroogga/shalalka. Sida laga soo xigtay daraasado la qaaday mid ka mid ah saameynta mihiimka waa yarenta kolestaroolka ama duxda oo halis ku ah caafimaadka wadnaha iyo shaqadiisaba.
0 Comments