Avocadosku waa cunto nafaqo leh, waana dux ahaan u wanaagsan in lagu daro cuntadaada oo leh faa'iidooyin caafimaad oo dhowr ah, oo ay ku jiraan:
Caafimaadka Wadnaha: Avocado-ku waxa ay qani ku tahay dufanka caafimaadka u roon, kaas oo kaa caawin kara in uu hoos u dhigo heerka kolestaroolka xun iyo in uu yareeyo khatarta wadne xanuunka.
Nafaqo- Qani: Waxay ku jira oo laga helaa noocyo kala duwan sida, fiitamiinno iyo macdanno lagama maarmaan ah, oo ay ku jiraan potassium, fitamiin K, fitamiin E, iyo fiitamiinnada B, kuwaas oo taageeraya caafimaadka guud.
Fiber-ku ku badan yahay: Avocado-ku waa il wanaagsan oo laga helo faybar-cuntada, taas oo caawisa dheefshiidka, waxay caawisaa ilaalinta miisaanka caafimaadka leh, waxaanay hoos u dhigi kartaa khatarta cudurrada daba-dheeraada.
Ka-hortagga Caabuqa: Antioxidants iyo dufanka caafimaadka u wanaagsan ayaa laga helaa avocados, waxay gacan ka geystaan dhimista bararka jidhka, taasoo suurtogal ah inay hoos u dhigto khatarta xaaladaha sida cudurka Roomatiisanka (arthritis0 oo ku dhaca isgoysyada jidhka.
Nuugista Nafaqada: Dufanka ku jira avocado-dada waxay wanaajin karaan nuugista fiitamiinnada dufanka ku milma sida; (A, D, E, iyo K) ee cuntooyinka, taasoo ka dhigaysa cuntadaada mid nafaqo leh guud ahaan.
Ku darista avokadoska cuntadaada waxay noqon kartaa labadaba mid dhadhan ahaan sareysa
iyo faa'iido u leh caafimaadkaaga!
0 Comments