LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Foods Bad For Your Teeth ( Cuntooyinka Ilkahaaga U Xun )

Markaad ilkahaaga daryeesho waxay u baahan yihiin taxadir iyo feejignaan dheeri ah. Cuntooyinka qaarkood ayey si gaar ah ugu nugul yihiin inay sii kordhiyaan waxyeelada ilkaha ee ka dhalan karta. Maqaalkan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah.


1. NacNaca Dhanaan

Badanaa maaha wax lala yaabo in nacnacu ilkaha u keeno caafimaad darro. Laakiin macmacaanka dhanaanka ahi wuxuu ku jira asiidhyo aad iyo aad u badan oo kala duwan, kuwaas oo ilkahaaga ku adag.

Marka laga tago intaas,, ilkahaygaha ayuu ku dhagaa wakhti dheer, markaa waxay u badantahay inay keeni karto suuska (Bolol) ilkaha gala. 

2. Cunida Barafka

Waxaa keliya ee ku jira barafka waa biyo, markaa waa mid fiican tahay in la calaaliyo barafka, saw sax maaha? Sidaa ma aha, sida laga soo xigtay, ururka dhakhaatiirka ilkaha ee maraykanka.. 

Cunidda walax adag waxay dhaawici kartaa enamel oo qeybta ugu adag iliga, waxayna kaa dhigi kartaa qofka mid u nugul, ilkaha sida dildilaaca, jajabka iyo burburka si fudud. 

3. Baradhada Shiilan (Potato Chips)

Cunitaanka baradhada la warshadeeyo, ayaa in badan oo dadka ku qanciya in cunistiisa iyo dhadhanka u gaarka ah

Laakiin baradhada la farsameeyo, waxaa ku jira starch, badan waana isha nafaqo ee bakteeriyada ilkaha iyo ciridka ee ay quudato. 

Maadaama oo aynu marar aan badnayn cuno, baradhada warshadaysan, waxa talo ahaan lagu soo jeedinayaa, si aanay muddo dheer ugu noolaan bakteeriyadu inaad nadiifiso afka adoo adeegsanaya caday kuna dar dunta ilkaha dhexdooda nadiifisa (flossing).

4. Cabitaanada Soodhaha Leh

Dad badan ayaa laga yaabaa inay ogyihiin in yar, haddii ay jiraan, wax fiicani ay ka timaado cabitaanada soodhadaha leh, xitaa haddii aad ku aragto ereyga "cunto dheelitiran" oo ah kuwa lugu cabo xilliga cuntada. 

Daraasad ayaa laga soo xigtay in cabitaanka badan ee soodhuhu uu wax ay waxyeelo ugaysan karo ilkaha.

Cabitaanada aysiidha lehi, waxay soo awoodaan inay dhaawacaan qeybta sare ee iliga, taas oo ka dhigaysa in aysiidhaasi ay fuulayso dahaadhka ilkaha una jilcinayso inay u burburaan si aad u sahlan. Sidoo kale af qalayl, ay keento yaraanshaha candhuufta (Saliva) oo mihiim u ah ilkaha iyo afkaba. 

Ugu dambeyntiina, cabitaanada soodhaha midabka madow lehi waxay bedeshaa midabka ilkaha, iska jir inaad cadayato markiiba, waayo aysiidhu waxay sahli kartaa in qeybta sare ee ilkuhu lumiyaan dahaadhka saarn tanina waxy keentaa in ilkuhu burburaan. 

5, Midhaha Dhanaan

Liin macaan, canabyo iyo liin dhanaan waxay noqon karaan kuwo dhadhan sare leh sida marka la cunayo iyo dheecaanada laga tuujiyoba, waxaana ku jira oo ay qani ku yihiin fitamiin C badan. laakiin waxaa ku jirtaa aysiidh, wuxuu dillaaci karaa dahaadhka iliga taas oo ka dhigaysa ilkaha mid u nugul in ay burburaan. 

Had iyo jeer ka taxadar inta aad qaadanayso, waayo waxaa ku badan aysiidha oo aan ilkaha u wanaagsanayn caafimaad ahaan. 


Post a Comment

0 Comments