LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Five Effects Of Excessive Screen Time On Children (Saameynta Daawashada Shaashadaha Ee Caruurta)

 



Daawashada waqti aad u dheer ama xad-dhaafka ah shaashadaha sida mobilka, iyo telefishanada wuxuu yeelan karaa saamayno dhowr ah oouu  ku yeelan kara korriinka caruurta ee jidhka, dareenkooda, iyo korriinka garashada ee guud ahaaneed. 

Haddaba halkan waxaynu kaga hadlaynaa saameynta ka dhalan karta, haddii caruurtu daawadaan wakhti dheer shaashada waana kuwan shan saamaynood muhiimka ah:

1. Tayada Hurdada

Daawashada shaashadaha muddo dheer ka dib, gaar ahaana ka hor inta aan la seexan, waxay carqaladeyn kartaa hanaankaa hurdo ee ilmaha. Iftiinka buluugga ah ee shaashadaha laga soo baxaya wuxuu sare u qaadaa heerka hoormoonka melatonin oo ah hoormoon nidaamiya hurdada. Waxay taasi keeni kartaa in ay ku adkaato caruurta inay seexdaan, tayada hurdada oo hoos u dhacda iyo daalka maalintii.

2. Fifircooni La'aan

In waqtiga xad dhaafka ah lagu qaato daawashada shaashadaha, badanaa waxay keentaa hab-nololeed hoose oo ah in aanu ilmuhu sameyn dhaqdhaqaaq jidheed ama aanu ciyaarin, waxaana yaraada in qofku yareeyo howlaha sida jidheed sida in aad banaanka ku ciyaarto ama aad jimicsi aad sameyso. Dhaqdhaqaaq lwaxay ka qeyb qaadan kartaa cayilnaanta, feejignaanta jidhka iyo cudurada wadnaha.

3. Xidhiidhka Bulshada Oo Yaraada

Si xad-dhaaf ah u daawashada shaashadaha, gaar ahaan marka muddo badan la iska fadhiyo sida daawashada muuqaalada ama ciyaarista muuqaalada ciyaaraha, waxay yareyn kartaa fursadaha is dhexgalka  bulshada ee fool ka fool ah. Waxay tani caqabad ku noqon kartaa kobcinta xirfadaha daruuriga ah ee bulshada, sida naxariis, xidhiidhka, iyo awoodda akhriska ee bulshada dhexdeeda. 

4. Fahanka iyo Hab-dhaqanka

Caruurta daawata shaashadaha wakhti aad u badan ayaa laga yaabaa in lagu arko dareenkooda maskax ahaaneed oo yar iyo heerkooda feejignaanta oo liidata,Cilmi baadhisyo ayaa la isku xidhay daawashada wakhti badan shaashaddaha iyo calaamadaha cudurka (ADHD) oo ah mid ka dhiga caruurta kuwo aan waxba dhagaysan, kaas oo hoos u dhigaya heerka waxbarasho iyo xasuusta iyo xallinta dhibaatada. 

5.Saamaynta Maskaxda

Korodhkaa waqtiga daawashada shaashadaha, khaas ahaan baraha bulshada, ayaa lala xidhiidhiyey sare u kaca heerka walaaca, niyad-jabka, iyo gaar ka noqoshada bulshada.    Isku dheellitirka waqtiga daawashadaada  shaashadaha iyo dhaqdhaqaaqa jidhka, isdhexgalka bulshada iyo barashada ka baxsan ayaa muhiim u ah korriinka caafimaadka ilmaha.


Post a Comment

0 Comments