LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Five Common Symptoms Of Liver Diseases (Calaamadaha Beer Xanuunka)

 


Shan calaamadood oo lagu garto cudurrada beerka: 

1. Cagaarshow: maqaarka iyo indhaha oo huruud ah taas oo ay ugu wacan tahay kororka maadada bilirubin oo ah burburinta unugyada dheega cas cas ee duqoobay, kuna ururta beerka.

2. Daal: Daal joogto ah ama daciifnimo, qofka oo ay ku adkaato inuu hawlihiisa maalin laha uu qabsado, waxaana keena tamar darada, jidhka maadaaba xubinta beerku soo saarto awood dheeri ah.

3. Calool xanuun iyo Barar: Raaxo la'aan ama barar, gaar ahaan boga oo ku beegan dhinaca midig ee caloosha, halkaa oo uu ku jiro xubinta beerku.

 4. Kaadi madow: Kaadida qofka oo u muuqata mid madow sida caadiga ah sababtoo ah waxaa soo raacaysa bilirubin, tanina waa ta keenaysa maadama oo midka birta ah ee ku jirta unugyada cascas ee dhiigu ay tahay mid madaw xigeen ah, una eeg sida shaaha bigays ah ama rinjiya. 

5. Cunto qaadasho xumo iyo lallabo: Hoos u dhaca rabitaanka cunida cuntada, inta badan waxaa weheliya lallabbo ama matag, waana calaamad si weyn loogu garan ogyahay cudurada ku dhaca beerka.  

Calaamadahani way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xidhan karaan nooca iyo darnaanta cudurada ku dhaca xubinta beerka oo shaqooyin mihiim ah u qabata jidhka. 

Ugu danbeyntii, haddii aad calaamadahan isku aragto, waa lama huraan in aad booqato goobaha caafimaadka si daryeel caafimaad laguugu fidiyo. 

Post a Comment

0 Comments