Ma Jirto Sabab Kale oo aan ahayn in aad hesho hurdo tayo leh, kuna nasatid, si looga fogaado dareemi taanka joogtada aha ee daalka badan.
Waxyaabaha kale ee suurtagalka sababana waxaa ka mid ah, yaraanta nafaqooyinka qaar, wer-werka, xaaladaha caafimaad ee qofka iyo saameynta taba ee dawooyinka. Haddii aad leedahay daal joogta ah, maaha mid keligaa kugu kooban waxaa jira dad kale oo xaaladan kula wadaaga, la xidhiidh khabiir caafimaad haddii aad awoodid.
Inta badan, daalka waxaa lagu daweeyaa, si fudud sida in la bedelo qaab nololeedka qofka, hanaanka cunta iyo daweynta waxa sababta u ah ee keenaya.
Halkan waxaynu ku soo gudbinaynaa 7 siyaabood oo kala duwan, balse la isaga daweeyo daalka.
1. Wanaaji Huradaada
Heltaanka, hurdo kugu filan oo tayo lehi waa mid u wanaagsan caafimaadka guud. Balse nasiib darada jirta ayaa ah, heltaan la'aanta hurdo kugu filan ay tahay tan qofka u horseead inuu dareemo daalka dhibna ku ah nolashiisa guud ahaanba.
Inta qofku hordo, waxaa jidhkiisa ka dhaca isbedelo badan oo wax ku ool sida; soo saarida dheecaanada qaabilsan koriinka iyo dib u dhiska ama soo saarista unugyo cusub oo hor leh.
Tanina, waa sababta dad badani subaxii markay hurdada, ay u dareemaan, firfircooni iyo tamar dheeri ah, waxaana keentay huradii tayada lahayd.
Waxaa laga yaabaa in lagu kala duwan yahay halka, tusaale ahaan, immisa saacadood ayaa la seexan karaa ? Waxa la isku raacsan yahay in qofka qaan gaadhka ahi uu seexan 7 saacadood oo xidhiidh ah, waana mid u wanaagsan joogteynta caafimaadka.
Hurdo, la'aanta waxaa keeni kara; caadada oo istaagta, werwerka, xaalado caafimaad, seexasada meel aan ku haboonay iyo dawooyinka qaar.
2. Yaraanta Nafaqooyinka
Waxay qofka u horseeda carqalad weyn, si maalinle ah waxaanay keentaa inay farogeliso noloshiisa caadiga ah, xitaa tani waxay dhici kartaa, hadii qofku uu seexdo todoba saacadoo oo xidhiidh ah.
Qaar ka mid ah, yaraanshaha nafaqooyinkani waxay keeni karaan daal joogta ah, sida; Birta ( Iron ), Faytamiin D iyo Faytamiinka B6, macdanta Magniisiyaam ( Magnesium ).
Haddii, aad dareemayso daal joogta ah, la tasho khabiir caafimaad si loo baadho waxa sababta u lagaagana daweeyo yaraansha mactadanaha iyo faytamiinad ee hooseysa,
3. Wer-werka
Inkasta oo noocyo ka mid ah werwerka ama walbahaarku ay noqonkaraan nolosha qeyb ka ah, haddana werwerka joogtada ahi wuxu sababi karaa daal joogta ah.
Sidoo kale, werwerka jjoogtada ahi, wuxuu sababi karaa isbedel ku yimaadka, qaab dhismeedka maskaxda iyo sida ay u shaqayso, tanina waxay kuu horseedi kartaa barar ku yimaada maskaxda, waana mid ka mid ah astaamaha lagu garto daalka.
3. Xaalado Caafimaad Daro
Haddii aad isku aragto daal joogta, balse aanad ogeyn waxa sababta u ah bookho dhakhtar, adoo u sheegaya calaamadahaaga, iyo waxyaabaha aad ka cabanaysid. Sidoo kale waxaa jira waxyaabo kale oo sabab u ah xaaladan sida naqaska oo qofka qabta inta uu hurdo, kansarka, tayroodhka oo hooseeya, macaanka, iyo cudurada kelyaha ku dhaca.
Waa mihiim ogaanshaha waxaa sabata u ah daalka aan caadiga ahayn waxaana dhici karta inay jiraan wax keenaya oo ka badan mid ama laba.
Baadhitaanka iyo daweynta saxda ahi waxaa keenaya daalka, waxay hagaajisaa nolosha, waxaanay u wanaagsan tahay caafimaadka.
4. Cunto Aan Dheelitirnayn
Mihiimadu waa in heerkaaga cunto, uu saameyn laxaad leh ku leeyahay sida aad dareemayso.
Joogteynta tamarta iyo helida nafaqooyinka jidhkaagu u baahan yahay, waa mid leh hanaan kakan oo ah cunida cuntooyin ay ka buuxaan nafaqeeyayaal iyo cunto isu dheeli tiran/
Marka aanu jidhkaagu helin kaaloriga tamarta iyo nafaqeeyaasha kale sida booratiinka oo kale, jiddhku wuu burburiyaa duxdii ku keydsanayd, si muruqyadu u helaan tamartii ay u baahnaayeen. Tanina waxay keentaa luminta duxda ee jidhka iyo yaraanshaha xajmigii muruqyada. Waxaanay ugu danbeyn keentaa daal iyo awood daro saayid ah.
5. Cabida Kafeyga
Inkasta oo laga yaabo cabitaanka kafeyga iyo cabitaanadada kale qaarkood ay sare u qaadaan heerka tamarta ee jidhka, haddana waxa la arkaa in ay sababto daal aad u badan maalinta xigta. Sababta ayaa ah cabitaanka kafayga waxaa ku badan maadada kaafiinta (Caffeine) oo keenta hurdo yaraan waana sababta loo dareemo daal saayid ah.
Hadaad tahay dadka aad u caba, yaree ama jooji kafeyga, ka dibna dib u qiimee, heerka awoodaada jidhka iyo isbedelka ku yimi hurdadaada kala duwanaansha in ayay hagagtay iyo in kale.
6. Biyo Cabid Yaraanta
Joogteynta biyo cabidu waa mid mihiim u ah caafimaadka guud ee qofka, waxaanay sare u qaadaa heerka awooda iyo ka badbaadinta fuuq baxa ku yimaada.
Habab kale duwan oo kiimikaad oo ka dhaca jidhka maalin kasta waxay keenaan, inay ka baxaan biyo badani, waxaana loo baahan yahay badalka biyahaas in la cabo, si habsi leh ay u dhacaan falgaladaas iyo kuwo kaleba.
Calaamadaha lagu garto biyo yaraanta jidhka waxaa ka mid ah, haraad, daal, wareer iyo madax xanuun.
7. Cayilka/Buurnida
Ku ilaalinta jidhka miisaan caafimaad lehi, waa mid mihiim u ah guud ahaa badqabka qofka.
Keliya buurnaanta ama cayilka xad dhaafka ahi maaha mid si weyn loola xidhiidhiyo cudurada wakhtiga dheer qaata, sida cudurada wadnaha, macaanka noociiisa laaba iyo kansarka, sidoo kale waa mid sare u qaada khatarta ah daalka muddada dheer lala noolaado.
Waxa uu cayilku keena (sleep apnea), oo ah in qofka uu teesho neef qabatin inta uu hurdo iyo khuuro badan, tanina waxay keentaa daalka maalintii qofkuu u dareemo, sabatoo ah helid la'aanta hurdo ku filan.
0 Comments